SHan iyo toban Dagaal yahananada Alshabaab ka tirsan oo Kenya sheegtey in ay dishey.

0
641

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-waaq ee gobolka Gedo ku dileen 15 ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay militariga dowladda Kenya oo lagu magacaabo Col. Joseph Owuoth ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ku dileen 15 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab xero ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-waaq, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawaceen howlgalka.

‘’Howlgal ay sameeyeen ciidamadeena waxaa ay ku guuleysteen in ay bur buriyaan xero Al-shabaab ay ku lahaayeen meel 100 km u jirta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ‘’ ayuu yiri afhayeenka.

Col. Joseph ayaa intaa ku darray in sidoo kale howlgalka lagu bur buriyay gadiid iyo hub ay adeegsanayeen xoogagga Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in tallabada ay qaadeen ciidamadooda tahay mid looga hortagayay weeraro gaadmo ah oo Al-shabaab ay damacsanaayeen in ay ku qaadaan saldhigyada militari ee ciidamada Kenya.

Howlgalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii saraakiisha Kenya ay shaaciyeen dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Baashe Nuur Xassan.

Ciidamada Kenya ayaa inta badan howlgalo joogta ka sameeya deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ku xoogan yihiin xarrakada Al-shabaab.

warsom2011@gmail.com