Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeryootay, halka tira intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii dagaal beeleed uu ka dhacay deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.
Dagaalka ayaa dhacay Axadii shalay, waxaana dadkii ku geeryooday ay dhamaantood ahaayeen kuwii ku dagaalamayay deegaanka.
Deegaanada Saaxdheer iyo Dhumay oo ka tirsan Gobolka Sool, ayaa waxaa wali laga soo sheegayaa in ay ka taaganyihiin xiisado dagaal, waxaana dadka ay bilaabeen in ay ka qaxaan guryahooda.
Dadkii shalay ku dhaawacmay dagaallada ayaa waxaa la dhigay isbitaalka Laascaanood, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Dagaal beeleedyada deeganadda ka dhaca ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay kusoo noq-noqday deeganaada Gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.
Gudiggii ka dhex waday waan-waanta labada beelood ee ku dagaalamaya deegaanada ayaa la sheegayaa in ay ku howlanyihiin sidii dagaalka uusan mar dambe usoo noqon.
Maamulka Khaatuma, wali kama aysan hadlin dagaallada ka soo cusboonaaday deegaanada Saaxdheer iyo Dhumay oo ka tirsan Gobolka Sool.
Gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaaraha, inkasoo Gobolka Sool uu dhawaan ka da’ay roob aan sidaasi u sii badneeyn.
Dad badan oo dhawaan kasoo cararay abaaraha ka jira miiga Sool iyo Sanaag, ayaa hadda waxaa ay ku suganyihiin magaalladda laascaanood.
warsom2011@gmail.com








