Rag hubeysan isbaaro dad ku baaranaya oo ciidamada Amnigu dhaawaceen deg.Yaaqshiid ee G/Banaadir.

0
66

-Ciidamadda ammaanka dowladda Soomaaliya, ayaa gacanka ku soo dhigay dhalinyaro dhac u-geysanayay dadka ku nool  degmadda Yaaqshid ee magaaladda Muqdishu.

“Waxaan aragnay iyagoo dhac u-geysanaya dadka degmadda ku nool, waxaan dilnay mid ka mid ah kooxdii burcada aheyd, mid ka mid ahna waan dhaawacnay, halka qaar kalana aan gacanta ku dhignay” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidamadda  amniga Degmadda Yaaqshiid.

Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir, waxaa howlgallo joogta ah ka sameeya, ciidamadda Nabadsugida iyo Booliiska.

Magaaladda Muqdishu, waxaa maalmihii lasoo dhaafay, kusoo noq-noqday dilalka iyo bambooyinka lagu weeraro xaruumaha dowladda iyo guryaha dadka siyaasiyiinta ay deganyihiin.

warsom2011@gmail.com