Hantidii Allaha u naxariistee EX-gen. Cadami oo dad isbaheystey doonayaan in ay ka dhacaan ama Boobaan Agoontii uu ka tagey Marxuumku.

0
12

Warar xaqiiqo ah oo naga soo gaarey Eheladii agoontii uu ka tagey Allaha u naxariistee EX- gen. Cadami ayaa sheegaya in in dad is baheystey oo ay hor kaceyso Haweeney uu marxuumku hore u qabey ay dooneyso in caruurtii ay ka dhacdo hantidii Aabahood uga dhintey.

Waxaa berrito ku wajahan guryo ay agoontu deganyihiin Ciidamo ka soco gobolka banaadir kuwaasoo hore khalad uga galey agoontaa si xoog ahna guryahoodii uga bixiyey markii uu ka war heley M/weynihii hore Xasan SHeekh lagu amrey in ay caruurtaas Hantidooda uga leexdaan dibna guryahooda ugu noqdeen ayaa hadana mar kale weerar nagu soo ah ayuu yiri mid kamid ah caailada Caruurta IMA CADAMI.

Arrimaha Hanti boobka ayaa muqdisho si daran uga socda iyadoo dad badan loo dhibo ama loo dilo arrimo hanti boob la xiriira,waxaana muuqaneysa in laga hor dhacayo dhismaha xukuumada la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo,waana mid loo baahanyahey in madaxweynaha iyo R/Wkheyre ay war cad kasoo saraan,iyadoo agoontaasi umadda soomaaliyeed ka cadsadeen in arrinta n lasoo fara geliyo lagana qabto dadka doonaya in ay hantidooda qaataan si xaq darro ah.

warsom2011@gmail.com