Hawlgalka Midawga Afrika oo sheegey in loo baahanyahey 4 kun ciidamo lagu biiriyo kuwa Amisom.

0
197

-Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamo dheeraad ah si dagdag ah loogu soo biiriyo xoogagga AMISOM.

Ururka midowga Afrika ee AU ayaa sheegay in ilaa 4 kun oo askari oo dheeraad ah loo baahan yahay in lagu soo kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Shalay Talaadadii ayaa AU uu ku baaqay arinkaa intii uu socday shirka 22aad ee AU gudaha Addis Ababa Itoobiya.

Waxaa AU ka codsaday QM inay taageerto sidii ciidamadaa loogu soo dari lahaa ciidamada AMISOM loona siin lahaa raashin, qalab, shidaal iyo dawooyin.

Shir arinkaa lagu sii faaqidi doono ayaa lagu wadaa in isla Addis uu ka dhaco inta aan la gaarin bisha 2aad ee sanadkaan 2017.
Mana jirto dawlad illaa hadda ku yaboohdey ciidamadan Soomaaliya looga baahanyahey waxeyna dawlad walba ka fekereysaa waxa ay ku danbeyn karaan Ciidamada la geeyo dal ka baxsan dalkooda hooyo.

warsom2011@gmail.com