Alshabab oo Odiyaal Ku Gowracay Deegan Ka Tirsan Galgduud Aqriso Magacyada Odiyaasha

0
495

Wararka aan Ka Helyno Deegaan Ceel Hareeri ee Gobolka Galguud ayaa sheegaya in Odiyaal Lagu Gowracay Deegaankaasi
Wararka ayaa intaas ku daraya in illaa 3 Oday dhaqameed lagu gowracay deegaanka Ceelhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Halka Odayaal kale oo illaa 5 xubnood gaarayay laga qafaashay isla deegaankaasi Ceelhareeri.

“ Odayaasha la gowracay Mid waxaa la yiraa Xasan Maxamed Cali , wadaad iska waayeel ah buu ahaa, oo xamar laga keenay ee Eerno looga soo qalay, Mid Cabdisalaan ayaa la yiraa oo hareeri ku Magac dheeraa , kan 3aad Magaciisa ma Xasuusto waa isla deegaanka isaguna” sidaas waxaa yiri qof deegaanka ah oo Shabelle qadka Taleefanka ugu warramay.

Muddooyinkii dambe waxaa Xiisado kacsanaan ah ay ka taagneed deegaanno iyo degmooyin hoostaga Gobolka Galgaduud , una dhexeysay Ciidamada dowladda Federaalka oo garab milatari ka helaya Ciidanka Ethiopia iyo weliba Xarakada Al Shabaab