Culimo ka timid Puntland oo wada dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo Somaliland iyo Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay inay rajaynayaan in lagu guulaysto heshiis nabadeed oo waara, kaas oo saldhig u noqon kara is-weydaarsiga maxaabiista, kala qaadista ciidamada iyo dib u furista isu-socodka shacabka.
Culimada ayaa sheegay inay soo dhawayn diirran ka heleen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddida Nabadda, culimada iyo salaadiinta, iyaga oo uga mahadceliyey soo-dhaweynta ay kula kulmeen Hargaysa. Waxay sidoo kale booqdeen maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Laascaanood ee ku xidhan Hargaysa, iyagoo sheegay inay ku arkeen xaalad wanaagsan.
“Waxaan u mahadcelinaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo shacabka sida sharafta iyo maamuuska leh ee naloo soo dhaweeyey. Waxaan la kulannay madaxda iyo guddiyada nabadda, waxaanan booqannay maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood. Waxaannu ku aragnay xaalad wanaagsan, waxay ahaayeen dad qurux badan oo kalsooni ka muuqato,” ayay culimadu sheegeen.
Waxay intaas ku dareen in dadaallada nabadda ay ka bilaabeen shir culimadu ku yeesheen magaalada Garoowe, halkaas oo lagu go’aansaday in door muuqda laga qaato xallinta khilaafaadka Soomaalida. Sida ay sheegeen, waxay hore ula kulmeen madaxda maamulada Puntland iyo Waqooyi Bari, kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo dardargelin lahaa geeddi-socodka nabadda, isla markaana ay taageero ka heleen.
Culimadu waxay ku baaqeen in la gaadho nabad buuxda oo ay qayb ka yihiin kala qaadista ciidamada, sii daynta maxaabiista iyo dib u furista isu-socodka dadka iyo ganacsiga, si loo yareeyo saamaynta colaaddii ka dhalatay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay inay diyaar u tahay in la gaadho nabad waarta oo lala yeesho Maamulka Waqooyi Bari, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay iyaduna ku baaqday in la sii daayo maxaabiista isla markaana la xoojiyo dadaallada nabadeed.













