Gudiga doorashooyinka qaranka soomaaliya iyo xisbiyada siyaasada dalka ayaa muqdisho ku kuley iyadoo kulanka ay soo qaban qaabiyeen gudiga doorashooyinka ayaa waxey soo bandhigeen wax yaabaha u qabsoomey tan iyo goortii la ansixiyey,iyagoo sheegey in ay daacadnimo ku shaqeyn doonaan.
Kuianka ayaa waxaa ka hadley qaar kamid ah madaxda xisbiyada dalka waxaana ka mid ahaa madaxdii goobta ka hadashey Xoghayaha guud ee Xisbiga Daljir Axmed Macam Fiqi,,Gudomiye ku xigeenka Xisbiga midnimada Jamhuuriga soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux (timajilic),Gudomiyaha golaha xisbiyada Muxiyadiin Cali Yuusuf,Gudoomiyaha xisbiga S.P.J Nuur Bocor Jeelle,Gudomiyaha xisbiga Nabada iyo dimuquraadiyada C/lahi SHeekh Xasan iyo qaar kaloo badan.
Madaxda ayaa dhamaatood sheegey in aan maanta loo baahneyn qabyaalad iyo qori ku faan islamarkaasna aysan ogoleyn in dalka dib loogu celiyo dhibaatooyinkii uu kasoo gudbey,loona baahan yahey in doorasho ka dhacdo sanadka 2016ka hadii alle idmo saacad ama maalinna aan loogu dari doonin madaxda waqtigaan dalka hugaamisa.
Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yarey ayaa ugu danbeyntii sheegtey in ay kulamo kale yeelan doonaan xisbiyada maadaama ay shaqo badan ka dhaxeyso ayna intii karaankood ah qaban doonaan hawlaha loo igmadey.





