Muungaab Oo Xilka Laga Qaaday, Iyo Yuusuf Xusen Jimcaale Oo Gadadiisii Loo Magacaabay.

0
352

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka looga qaaday duqii magaalada Muqdisho, Maxamed Xuseen Muungaab.

Muungaab oo ilaa bishii February 2014kii duqa magaalada Muqdisho ahaa, ayaa lagu badalay, Yuusuf Xuseen Jimcaale, inuu noqdo duqa iyo guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha, Yaxye Cali Ibraahim, ayaa BBC-da u sheegay in qoraal dheer ay u gudbiyaan madaxweynaha. Ma faahfaahin qoraalkaasi, balse waxa uu sheegay in madaxweynaha markuu arkay qoraalkaas, uu go’aansaday xil ka qaadista.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ka mid ahaa dadkii u ololeynayay madaxweyne Xasan, isagoo ka mid ahaa xibsigii madaxweynaha ee xilligii doorashada.