Diyaarad Kasoo Duushay Kenya Oo Ku Dhacday Deegaan Ay Al-Shabaab Ka Maamulaan Degmada Afgooye,Ee Sh/Hoose.

0
506

Wararka ka imanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in diyaarad yar ay kusoo dhacday xaafad ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, oo 30 KM u jirta galbeedka Muqdisho.

Illaa iyo hadda lama garanayo waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in diyaaradda ay ku dul wareegatay hawada, ka hor inta aanay u jiheysan galbeedka magaalada.

Dadka ku nool xaafadda Cusmaan Durre ayaa Warsom.com u sheegay in diyaaradda ay kusoo dhacday halkaas. Waxa ay intaas ku dareen in deegaanka ay maamulaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, ayaa u jiheystay goobta ay diyaaradda ka dhacday, oo u dhow degmada Afgooye, hase yeeshee roobab xooggan ayaa caqabad ku ah howl-galkooda, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo wareedyo codsaday inaan la magacaabin ayaa Warsom.com u sheegay in diyaaradda ay u kireysneyd qandaraaslayaal la shaqeeya Amisom. Waxa kale oo ay sheegeen in 9 illaa 11 qof loo maleynayo inay saran yihiin diyaaradda.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa Warsom.com u sheegay in diyaaradda aysan saarneyn wax dad Mareykan ah. Waxa kale oo uu sheegay in diyaaraddaas laga lee yahay Kenya.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Warsom.com u sheegay inay u maleynayaan in diyaaradda iyo dadkii saarnaaba ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda duuliyayaashii saarnaa diyaaradda iyo rakaabkiiba weli lama oga.

Diyaaradda ayaa lagu warramay inay kasoo baxday magaalada Nairobi, kuna wajahneyd garoonka Ballidoogle oo 90 KM dh