Maleeshiyaad Kala Taabacsan Maamulada Ahlu Sunna Iyo Gal-Mudug Oo Ku Dagaalamay Deegaanka Caabud Waaq.

0
84

kooxo kala taabacsan Ururka Ahlusuna Waljameeca iyo maamulka Galmudug ee dhawaan la dhisay Ayaa Waxa Uu Dagaal Ku Dhexmarey Degmada Cabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wararka aan ka helayno magaalada Cabudwaaq ayaa sheegaya in Kooxaha kala taabacsan labada dhinac ayaa iska hor imaadkooda ka dhashay ka dib markii ciidamada Ahlusana taabacsana ay dagaal ku qaadeen ciidamada Ilaalo u ahaa Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug uguna magacaaban Ganacsiga iyo warshadaha.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa dad goob joogayaal ah sheegayaan in iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac balse aan sicad loo ogayn tirada dhimashada iyo dhaawac iyo cida khaarahan soo gaaray.
Wasiirkan maamulka Galmudug ugu magacaaban Ganacsiga iyo warshadaha ayaa lagu magacaabaa Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame mar uu ka hadlay dagaalkan ayuu sheegay in si cad weerarka loogu soo qaaday Gurigiisa iska caabina sameeyey balse aysan jiri wax khasaaro ah oo dhankiisa soo gaaray wuxuu eedeeyey Ahlusuna oo uu sheegay in ay weerarkan soo abaabuleen.

Xaalada degmada Cabudwaaq ayaa xilgan degan iyadoo laga dareemayo saan saan hub aruursi oo labada dhinac ah lagana cabsi qabo in dagaal balaaran dhexmaro dhinacyadan.