Shacabkii Deganaa Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa si weyn uga qaxeen kadib markii ciidamo is-bahaysanaya ay saddex jiho ka soo degeen.
Al-Shabaab ayaa ka dalbadey qoysaskii deganaa degmadaas in ay isaga baxaan, maadaama ay dhici karto in ay ka baxdo gacantooda oo ay u gacan gasho gaalo sida ay hadalka u dhigeen.
Dad goobjoog ah ayaa sheegaya in Malayshiyaadka al-Shabaab qudhoodu isu diyaariyeen in aysan ku dagaalamin magaalada oo ay baneeyaan sidii ay horey u samayn jireen oo ay uga baxeen magaalooyin badan.
Dhanka kale degamada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa laga soo sheegaya in ciidamada is-bahaysanaya ee kuwa Dowladda federaalka iyo Itoobiya ay kaabiga ku hayaan, maalintii shalay ayaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa al-Shabaab isku heleen tuulada Dharqo oo 75km u jirta Diinsoor.
Hawlgalkan waxaa ka qaybqaadanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka Itoobiya kuwaas 00 6 kamid ah ay ku degeen garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, iyo Jet-ka dagaalka ee dalka Kenya.





