Madaxweynaha Somaliland iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Axad ah booqdey magaalada dekadda leh ee Berbera, si uu u dejiyo xiisadda iyo carada ka dhalatey go’aanka celinta dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacaya dagaalada Yemen, isla markaana u furo mashaariic horey looga hirgeliyey Berbera.
sido Kale Madaxweyne Siilaayo ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ee Soomaaliland soo gaaray aanay shicib iyo dowladuba waxba kala hareyn qaabilaadda qaxootiga jinsiyad kasta .
Maalintii shalay ayaa Somaliland si rasmi ah uga noqoteygo’aankii ay ku horjoogsaneysey dadka Soomaalida ah ee dalkooda dib ugu soo laabanaya iyada oo kuwa Gobolada aan Somaliland maamulin markii hore loo diidey in ay yimadaan Berbera ama ka soo degaan Maraakiibta ay ku soo qaxeen.
Shacabka Somaliland iyo hay’adaha Caalamiga ah ayaa si weyn ugu cadaadiyey Xukuumadda Somaliland in ay ka laabato go’ankaas, waxaana canbaareeyey Dowladda federaalkaah ee caalamku ictiraafsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee Siilaanyo ayaa booqdey Berbera oo ku jirta xilliga Kuleylaha ah, waxaana la sheegayaa in uu xariga ka jarayo mashaariic horey looga fuliyey Berbera.





