Somaliland Oo Shaacisay In Ay Dib Kaga Laabatay Go’aankii Ay Ku Mamnuucdey Qaxootiga Yamen Ee Reer Somalia.

0
486

Wasiirka dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa si rasmi ah u sheegey in maamulka Somaliland dib ula noqdey go’aankii ay horey u gaareenoo ay ku diidayaan qaxootiga dadka Soomaalida ah ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo ka soo baxsanaya dagaalada Yemen.

Cali Siciid raygal ayaa warbaahinta u sheegey in hay’adaha UNCHR iyo IOM ay Somaliland ka ballan qaadeen in dadkaas ay gaarsiinayaan goboladii ay ka soo jeedeen. Sidaas darteed maanta iyo wixii ka danbeeya dadka qaxootiga ah iyaga oo aan qabiil iyo jinsi loo kala soocin waxay imaan karaan Somaliland.

Somaliland ayaa culeys xooggan uga yimid, isla shacabkeedaoo si weyn uga horyimid in dad maato ah sida caruur, haween iyo kuwo da’a ah lagu horjoogsado milicda qoraxda Berbera loona diido in ay ka soo degaan Markabkii ay ku soo baxsadeen.

Sidoo kale waxaa Somaliland culeys weyn uga yimid Saxaafadda gudaha iyo dibadda oo si weyn u soo bandhigtey tacadiyada ay dadka qaxootiga ah la kulmeen, taas oo ay wel-wel xooggan ka muujiyeen hay’adaha gar-gaarka siiya Somaliland.

Dadka qaarkiis ayaa aaminsan in Somaliland arrimaha bini’aadanimada ee qaxootiga ay siyaasadeysey, markii Barlmaanka federalkusheegtey markab ay u kireeyeen qaxootiga Soomaalidu in uu gaarey Berbera.
Dowladda Federaalkaah ayaa si adag uga hadashey go’aanka Somaliland, waxaana ay ku tilmaantey wax aan sinaba loo aqbali karin sharci kasta oo dunida ka jirana ka soo horjeeda.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Waran Cadde ayaa saxaafadda u sheegey 24 Maajoayaa sheegay in ay gebi ahaanba joojieen qaxootiga ka soo cararaya dalka Yemen in ay qaabilaan, Wasiirka dib u dejinta Somaliland Cali Reygal oo sharaxa go’aanka Somaliland aanu wada saameyneyn qaxootiga oo dhan ee la diidey kuwa ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliyaoo uu ku sheegay Soomaaliya, maamulka dekadda Berbera oo fulinaya go’aankaas ayaa dad caruur iyo haween u badnaa ka horjoogsadey dekadda Berbera taariikhdu markey ahayd 28 Maajo,taas oo si weyn looga argagaxay markii saxaafaddu soo bandhigtey haweenka oo ku qaylinaya in ay badda isku tuurayaan haddii aan la dejin oo ay wataan caruur gaajeysan.