Sheikh C/casiis Abuu Muscab Oo Ah Afahayeenka Dhanka Howlgalada Ee Xarakada Al-shabaab Ayaa wuxuu xaqiijiyay in sedax gaadiidka dagaalka Ah ay ku gubeen weerar ciidamadooda shalay ay ku qaadeen gudaha wadanka Kenya Islamarkaana Ay Saacado Badan Heysteen Saldhig Ay Daganaayeen Ciidankaasi.
Waxa Uu Sidoo kale Abuu Muscab soo hadal qaaday qaraxyo Muqdisho lagula beegsaday Waxa Uu Ku Sheegay maleeshiyaadka UGUS (Ururka Gummeynta Umadda Soomaaliyeed) Sida Uu Yirri Abu Muscab Waxa Uuna Xusay In Qasaaro Ba’an Ay Kala Kulmeen Ciidamada Lala Eegtay Qaraxaasi Isagona Tilmaamey In Ay Innaba Kala Joogsi Laheyn Weerarada la bartilmaamedsanayaan ciidanka dowlada soomaaliya.
Hadalka Abu Muscab Ayaa Imaanaya Xilli Magaalada Muqdisho Iyo Qeybo Ka Mid Ah Gobolada Dalka Soomaaliya Ay Howlgalo Isugu Jirta Weerarao Iyo Qaraxyo Ka Geesanaya Ciidamada Al-shabaab Iyadoona Aysan Jirin Ilaa Iyo Xilligaan Xeelado Dhanka Amaanka Ah Oo Ay La Yiaamdeen Masuuliyiinta Dowlada Kaasoo Ay Kaga Hortagayaan Kooxaha Falalka Amni Daro Ka Wada Soomaaliya.





