Qaxooti Laga Soo Daadgureeyey Dagaalka Yemen Oo Maanta Laga Dajiyay Airport,ka Magaalada Muqdisho.

0
519

Madaarka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Maanta Waxaa Soo Caga Dhigatay Diyaaradii u horreysay ee siday qaxooti laga soo daadgureeyey dagaalka Qoto Dheeraaday Ee Ka Soanaya Dalka Yemen.

Diyaaraddan Maanta Dalka Yemen Ka Keentay Qaxootiga Soomaalida Ah Ayaa  waxaa soo kireysay hay’adda (IOM) Iyadoona La Sheegay In Aysan Marnaba Joojin Doonin Gurmadka Ay Ku Soo Daad Gureynayaan Dadka Ka Cararaya Colaada Yemen.

Axmed Cabdi Xasan, Qunsulka Soomaaliya ee Cadan ayaa Warbaahinta U sheegay in dadka maanta la geeyay Muqdisho ay tiradoodu gaarayso 147 qof oo isugu jiro qoysas iyo dad waayeel ah.

Qaxootigaani maanta Laga Soo Daad Gureeye Dalka Yemen Ayaa Ka Dhigeyso Iyadoo Ay Maalmihii Aynu Ka Soo Gudubnay Soomaali Kaloo fara badan ay horrey u Gaareen dekeddaha Berbera Iyo Bossaso.