Kulan Loogu Hadlayey Horumarinta Degmada Kaxda Iyo Sida Ay U Wajihi Laheyd Doorashooyinka 2016,ka Oo Lagu Qabtat Hotel Abaadir

0
788

KaxdaKulankaani Oo Looga Hadlayey Horumarinta Degmada Kaxda Ee Gobolka Banaadir Ayaa Maanta Waxa Uu Ka Dhacay Hotel Abaadir Oo Ku Yaala Isla Degmadaasi Waxaana Kulanka Ka Soo Qeyb Galay C/Kaamil Sheikh Oo Ah Gudoomiyaha Degmada Kaxda Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir  Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir,Odayaal Dhaqameydka Degmada,Ogaasyo,Culumaa’udiin,Urada Haweynka Degmada,Iyo Qeybaha Kale ee Bulshada Waxayna Dhamaan Soo Dhaweyeen Sida Maamulka Degmada Uu Hormarka UGu Tilaabsaday.

Sidoo Kale Munaasabadaani Ayaa Waxaa Lagu Soo Hadal Qaaday Dhismaha Waqdooyinka Degmada Kaxda,Dhameystirka Xarumaha Police,ka,Maxkamada Iyo Baalayaasha Nalalka Oo Haatanba Ay Bilowyihiin Iyadoona Kullanka Ay Ka Hadleen Ugaas C/qaadir,Nabadoon Max’ed Ismaaciil Waxayna Maamulka Gobolka Ay  Ka Codsadeen In Uu Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan U Dhameystiro Xarumahaasi.

Gudoomiyaha Kaxda Ee Gobolka Banaadir Ayaa  Balan Qaaday In Uu Dhamaan Arimahaasi Wax Ka Qabandoono Isaga Oo Sheegay In Uu U Kaashan Doono Hay’addo Caalami Ah Iyadoona Gaba Gabada Munaasabada Uu Ku Soo Afmeeray Gudoomiyaha Degmada Kaxda C/Kaamil Sheekh Mashaariicda Degmada Laga fuliyey Iyo Kuwa U Dhiman Isagoona Dadka Deegaanka Ugu Baaqay In Ay Ka Qeyb Qaataan Horumarinta Iyo Amniga Degmada Kaxda .