Yemen Oo Xaalkeedu Allow Sahal Ah, Iyo Qulqulka Qaxootiga Somalida Dalkaasi Oo Sii Kordhaya.

0
458

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in dooni sida in ka badan 800 oo qaxooti Soomaali ah ay ka shiraacatay dekedda magaalada Mukalla ee dalka Yemen iyadoo ku sii jeeda magaalada Bossaaso ee maamul goboleedka Puntland.

Doontani oo qaxootiga siday ay Somali yihiin ayaa waxaa dadkaasi ku yaboohay ganacsato soomaaliyeed oo lacago aan badneyn ka qaaday, sida uu sheegayo Bashir Ali Umar oo ka mid ah raga naaquudayaasha ah ee doonyaha ku shaqeeya.

Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay in kumanaan qaxooti ah ay 10kii maalmood ee la soo dhaafay ka qaxeen Yemen iyagoo gaary Geeska Africa gaar ahaan – Djibouti, koonfurta Somalia, Puntland Iyo Somaliland,  dadkaasoo ay ku jireen tiro aan badneyn oo reer Yemeniyiin ah.

Tan Iyo Waqtigii Ay Bilowdeen Dagaalada Dalka Yeman Ayaa Shacabka Dalkaasi Waxa Ay Bilaabeen In Ay Ka Barakacaan Si Ay Kaga Bad Baadaan Dhibaatada Ay U Geesan Karto Duqeymaha Diyaaradaha Ay Ka Geesanaya Waxayna Qaramada Midoway Tirade qaxootiga ee Geeska Africa ka tagay ee ka diwaan gashanaa Yemen ku sheegtay inay ku dhowyihiin 250 kun oo qof.