Sir Isku Shaandheyn Lagu Sameyn Rabo Golaha Wasiirada Somaliya

0
503

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhawaan la isku shaandheyn lagu sameyn doona gobolaha Wasiirada Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Isku shaandheynta ayaa saameyn ku yeelan doonta xubno ka tirsan golaha Wasiirada Wasiirada oo qaarkood uusan shaqadooda ku qanacsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Si rasmi ah looma hubo wasiirada qaaska ah oo ay isku shaandheyntu saameyn doonto laakiin, waxa ay ku xirnaan doontaa sida ay uga gadmaan barlamanka Soomaaliya shakhsiyaadka la keeni doona.
Waxaa la rumeysan yahay in wasiirada ay saameyn doonto isku shaandheytu ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, kuwaasi oo aan shaqadooda uga soo bixin sidii la rabay.
Inkastoo aan la hubin hadana waxaa loo badinayaa in ay badali doonaan Shanbalooshe oo horay barlamanku u diideen iyo Abdikariim Xuseen Guuleed oo isna qarka u saaran in uu ka tanaasulo musharaxnimadii maamulka gobolada dhexe.
Madaama dowladda Ethiopia ay sheegtay in Maamulka gobolada dhexe uu hogaamin doono Axmed Abdisalaan Xaaji Aadan oo ah nin ay saaxiibo dhaw yihiin dowladda Ethiopia