Faah Faahin: Dagaalo Xoogan oo Ka Dhacay gobolka Hiiraan ee Bartamaha

0
321

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda, AMISOM oo dhinac ah iyo Xarakad Al Shabaab ayaa waxa uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano u dhexeeya Magaalooyinka Buuloburde iyo Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Wararku waxa ay sheegayaan in dagaalada oo saacado kala duwan dhacay ay ka bilawdeen markii AL Shabaab ay weerar ku qaadeen gaadiid siday sahay gargaar oo ay galbinayeen ciidanka dowladda iyo AMISOM kuwaasi oo marayay deegaanka Raangaabo oo qiyaastii 50km galbeed ka xiga Magaalada Baladweyne.
Dagaalkaa ayaa dhacay xalay ilaa iyo saakay, waxaana la sheegay in gaadiidkii siday sahayda gargaar iyo ciidamadii la soday ay wali ku sugan yihiin deegaankaa, iyagoo ku sii jeeday Magaalada Buuloburde oo xaalado bini aadanimo kuwii u darnaa ay ka jiraan.
Dhanka kale, Ciidamo kuwa dowladda iyo AMISOM ah oo ka soo baxay Buuloburde una gurmanayay Ciidamada dowladda ay ku go’doonsan Raangaabo ayaa weerar uu ku qabsaday deegaanka Xaraale oo 80km waqooyi ka xigtay Buuloburde.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qasaaro uu jiro isla markaana ay dhawr Askari ku dhinteen dagaaladaa kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.
Wali Al Shabaab kama hadlin dagaalada ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.