Muqdisho oo si diiran loogu soo dhaweeyay Wasiirka Magacaaban ee Gaashaandhiga Somalia

0
490

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyay Wasiirka Magacaaban ee Gaashaandhiga Soomaaliya Jen .C.qaadir Sh Cali Diini . oo mudooyinkii dambe kunoolaa Dalka Mareykanka.

Wasiirka Magacaaban ee Gaashanadhiga Soomaaliya, waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kaga hortagay si weyna ugu soo dhaweeyay Saraakiil sar sare oo katirsan Ciidan Xooga Soomaaliyeed ay kamid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Jen. Indho Qarshe iyo Abaanduulaha .

Jen .C.qaadir Sh Cali Diini , ayaa horey usoo noqday Taliyihii ciidanka Xooga Soomaaliya, waxaana hada uu ku jiraa liiska Golaha Wasiirada magacaaban balse aan wali helin kalsoonioda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.