Meel Marinta sharcigii xuquuqda ilmaha (UNCRC), muxuu ku soo kordhin doonaa xuquuqda ilmaha Soomaaliyeed

0
233

Heshiiskaan caalamiga ah oo uu meel mariyay baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed 13/12/2014ka ayaa la filayaa inuu wax weyn ka bedeli doono sida ay madaxda dalku u arkaan xuquuqada ilmaha, iyadoo la og yahay inay jiraan duruufu adag oo ay ilmaha Soomaaliyeed ku nool yihiin oo wax ka qadab u baahan. Balse inta aanan heshiiskaan u guda gelin, Soomaaliya shuruuc dhowrta xuquuqda ilmaha ma lahaan jirtay?

Laga soo billaabo, dastuurkii 1960,1979, 2000 iyo ilaa kan ku meel gaarka ah sida ku cad qodobka 29aad, waxaa ku qoran xuquuq si gaar ah looga hadlayay oo ay lee yihiin ilmaha iyo dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaase taas ka horeeyay oo ka taariikh iyo fac dheer sida uu Islaamku u sugay xuquuqda ilmaha iyo sida ay waajibka u tahay ilaalinteeda, Akhri Halkaan: http://www.unicef.org/mena/Children_in_Islam_English.pdf waxaase mar walba lagama maarmaan ah inaynu ogaanno in xuquuqdaas uu gaabis badan ka jiray kana jiro maanta.

Soomaaliya waxa ay ka mid aheyd inta aysan meel marinin heshiiskaan caalamiga ah, labo wadan oo aanan adduunka oo dhan aanan meel marin sharcigaan waxaana nagula jilay kooxdaan aanan meel marin heshiiskaan wadanka Maraykanka oo isagu si kale uga biyo diidanaa, balse waxa keenay inaysan Soomaalia horay u meel marin heshiiskaan caalamiga ah waxa ay aheyd sida ay dad badani qabaan iyada oo aysan jirin dowlad la aqoonsan yahay oo iyadu dhabarka u dhigan karto howshaan ballaaran ee ka dhalanaysa meel marinta heshiiskaan caalamiga.