Ciidamada Badda Somalia oo soo Bnadhigay Dhuulo Tus Cajiib ah xili ay u dabaaldagayeen 50-sano guuradooda

0
228

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta u dabaal dagay 50-sano guuradii kaso wareegtay aas aaskooda, waxaana maanta Xarunta Ciidanka badda ee magaalada Muqdishka dhacday munaasabad aad u balaaran oo lagu xusay aas aaska Ciidankaasi.

Munaasabad maanta ka dhacday Xarunta Ciidanka Badda ee Magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo ay ka mid yihiin sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud,Wasiira Cusub ee Gaashaandhiga Gen Cabdul qaadir Sheekh Cali Diini,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Abaanduulaha Ciidanka Xooga, Taliyaha Ciidanka Badda, Taliyaha Ciidanka Cirka, saraakiil,Sii-hayaha safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin kale.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa ugu horeeyn munaasabada kusoo bandhigay Gaardo ka cayaar cajiib ahaa, waxaana Munaasabada sidoo kale ku sugnaa ciidamada Baambeeda oo iyaguna garaacayay astaanta qarana Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admaraal Madey Nuurey Sheekh Ufurow oo Munaasabada Khudbad ka soo jeediyay ayaa waxaa uu Hambalyo u diray Qaybaha kala duwan Ciidanka Badda Soomaliyeed waxaana uu Dowladda ka Codsaday in lagu gacansiiyo sidii Ciidanka Badda loo tayeyn lahaa iyo Cadawga ay ka difaacaan Biyaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in iyadoo talisku uu Fulinayo markii madaxweynaha ee ahaa in la dhiso Ciidan tayeysan oo qaranka Soomaaliyeeed uu leeeyahay.

Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo gaba gabadii ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa uu hambalyo u diray Ciidanka Badda Soomaaliya oo u dabaal dagaya 50 sano guurada ka soow areegatay Markii ay ka howl bilaabeeen Xeebaha Soomaaliya isagoo u rajeeyay Taliska Ciidanka Xooga in uu hormariyo Ciidanka Xooga si gaar ah kuwa Badda.