DHEGEYSO; Ganacsiga gawaarida iyo tartan u dhexeeya taxi-leyda iyo Mooto Bajaaj

0
721

Magaalada Muqdisho caasimadda dalka waxaa ay soo martay bur-bur dhinacyo badan leh oo 23 sano kabadan,waxaana waxyaabaha meesha ka baxay kamid ahaa Ganacsigii,laakiin mudadaasi kadib waxaa iminka muuqanaya nolol iyo inuu soo laabanayo dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo shaqo helista dhalinta yeysanba gaarine xitaa 20%.

Ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa iminka soo bidhaamay ayaa waxaa kamid ah kala iibsashada Gawaarida iyo isticmaalka gaeaarida tagaasida iyo Mooto Bajaajta oo ay waaya joogii hore u yaqaanaan Taxi-Aabe taasoo dhalinta derbiyada fadhidey shaqo u abuurtay oo ay iminka ku xamaashaan.

Waxaa Muqdisho lagu iibiyo gawaari qiimahoodu gaarayo 30-kun oo dolar iyo garaarida yar yarka oo ku qiimo ah Mooto Bajaajka sida weyn ugu soo badaneysa caasimadda,waxaase jirta qeylo dhaan ay sameeynayaan Tagaasileydii hore oo ka cabanaya iney suuqa ku ciriiriyeen Mootada sadexda lugood leh oo ka jaban qiimaha lagu kireeyo sida aad ku dhegeysan kartaan Barnaamijkan aa idinkaga diyaariyey.

DHEGEYSO BAR. XIISO LEH

maka-al-mukramah

mooto-bajaaj-1