Axmed Diiriye oo ka hadalay shirka maamul u sameynta Goballada Mudug iyo Galgaduud

0
481

Axmed Diiriye oo u muuqday mid ka gows adeegaya shir la sheegay in uu yahay dib u heshiisiin, oo dhawaan ka furmay degmada Dhuusa Mareeb kaasi oo beelo dhowr ah la tilmaamay in ay ka qeyb gali doonaan.

Nabadoonka ayaa sheegay in horay loo sheegay in la sameyn doono maamulka Mudug iyo Gal-gaduud, kadibna lasii amba qaadi doono dib u heshiisiinta dadka halkaasi wada dega.

“Adeer dalka dowlad ayaa ka jirta, horay waxaa loo sheegay in marka hore shirka dhismaha maamulka la qabto, markii maamul la sameeyana ka dib loo qabto shirka dib u heshiisiinta, qabiilo isugu tagay Dhuusa Mareeb ma ogi” ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye.

Ugu dambeyn Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ku baaqay in wixii siyaasad ah oo ku aadan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud laga la tashado dowladda Federaalka, wixii dib u heshiin iyo dhaqan ku aadanna laga dhigto markii maamulka Mudug iyo Gal-gaduud.

Degmada Dhuusa Mareeb waxaa dhawana ka furmay shir la sheegayo in uu yahay mid lagu heshiisiinayo beelaha wada dega gobalka Gal-gaduud, iyadoo dhanka kale ay socoto qaban qaabada shirka maamulka loogu dhisayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, taasi oo ka socota magaalada Cadaado