Waxaa goordhaw si rasmi ah xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho uga furmay kulanka ay leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaala, kaa oo maanta ajandihiisu ahaa in la horkeeno Golaha Wasiirada Cusub si ay codka kaloonida u siiyaan Baarlamaanka ama ugu diidaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ,ayaa si rasmi ah u furay kulanka ay goob joog ka yihiin in kabadan 200-Xildhibaan , waxaana kulanka xaadir ku ah Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.
R/Wasaare Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke oo Baarlamaanka Khudbad ka horjeediyay ayaa ka codsaday in ay siiyaan 10-maalin oo dheeraad ah si uu usoo dhameestiro Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya
Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa durbo bilaabay buuq kadib markii Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya uu xildhibaanada ka codsaday in ay siiyaan waqti dheeraad ah uu ku horkeeno Golaha Wasiirada Cusub.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa fasaxay R/Wasaaraha Soomaaliya , waxaana hada kulanka Baarlamaanka hadalo ka jeedinaya Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka doodaya codsigii uu usoojeediyay R/Wasaaraha Soomaaliya.
Xildhibaanada qaarkood ayaa kasoo horjeestay codsiga Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya waxa ayna bilaabeen in ay buuqaan, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ay isdajiyaan ayna yareeyaan buuqa.
Lama oga go’aanka ugu dambeeya ay qaadan doonaan Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya, waxaana wali kala cadeen sida ay Xildhibaanada ay u taageersan yihiin xukuumada cusub ama uga soo horjeedaan





