Shariif Xasan Shiikh Aadan madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia oo isagu furay shirka ayaa hadana soo xiray xili ay labada dhinac qodobo badan isku waa faqeen.
C/qaadir Nuur Caraale wasiirka dib u heshiisinta maamulka Koonfurt Galbeed ayaa saxaafada u soo bandhigay qodobada ay ku heshiiyeen bilihii ku dagalamayay Sh/hoose.
Qodobada lagu heshiiyay
1-in Xabada Lajoojiyo
2- in la qaado Isbaarooyinka yaala Gobolka
3- in Shaqsigii Dil geeysta Shareecada Islaamka la marsiiyo
4- in Qofkii Huriya Colaada la marsiin doono Xeerka Cinqaabta Soomaaliyeed.
Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid muhiim u ah maamulkiisa waxaana uu dadka deegaanka ugu baaqay in ay nabada ka wada shaqeeeyaan





