Baraf iyo dabeylo xoogan oo ku dhuftay Gobolo badan oo katirsan Dalka Mareykanka

0
361

Dabeylo wata qabow aad u daran ayaa lagu soo waramayaa in a ku dhufteen Xeebaha Waqooyi Bari ee Dalka Mareykanka , waxaana jirta cabsi xoogan oo laga qabo in dabeylaha ay gaaraan goobo kale oo katirsan Dalkaasi.

Dadka ku taqasusay cilmiga dabeylaha ayaa ka digaya in dabeyaha la socdo barafka dhacaya ay aad sare ugu kicikaraan, waxaana dadka lagu amray in ay kusii nagaadaan guryahooda inta uu isbadal ka imaanayo.

Dabeylaha xoogan ee wata Qabowga daran ayaa sababay in ay joogsadaan In kabadan lix kun oo duulimaad , waxaana xaalado deg deg ah looga dhawaaqay lix Gobol uu kuyaala Dalka Mareykanka ay ku jirto New York.

Magalaada New York ayaa la hakiyay gawaarida dad weynaha, Qaar ka mid ah goboladana waxaa la mamnuucay kaxeynta gawaarida xilliyada habeenkii, waxaa sidoo kale xirmay goobaha waxbarashada sida Iskuulada iyo jaamacadaha