Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa kaga hadlay Dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Buuraleyda Galgala oo Xukuumadu sheegtay in Ciidamadu la wareegeen.
Sidoo Kale Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay in maanta 1-10-2014 ay ciidamada Daraawiishta Puntland la wareegeen Fariisinkii ugu weynaa Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Galgala oo mudo badan ay ku jireen.
Mudane Gaas ayaan ka hadlin Khasaaraha gaaray Shabaab ee dhimasho iyo dhaawacba, Sidoo kalana aan soo hadal qaadin khasaarah Ciidamada balse uu sheegay in halka Askari uu kaga dhintay Ciidamada Puntland, Isagoo sheegay in dib loo soo bandhigidoono Khasaaraha Al-shabaab.
Dhanka kale waxa uu baaq u diray dhamaan dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab ee ku jiray Buuraha Galgala in ay isku soo dhibaan Dowladda Puntland mudo u dhaxaysa 30 cisho.
Sanadkii 2010kii ayey Kooxda Al-shabaab galeen Buuraleyda Galgala iyo deegamada ku teedsan iyagoo dagaalo ku soo qaaday xarumo ciidamada Dowladdu joogeen sidoo kalana weeraro ay ku qaadeen magaalada Boosaaso ka soo abaabulay xiligaas oo uu hor ka cayey Sh. Atam oo dhawaan isku dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya kana goostay Al-shabaab.




