Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga Aden Abdulle ee Caasimadda Muqdisho ku faah faahiyay socdaalo shaqo iyo shirar uu kaga qeybgalay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York .
Wasiirka ayaa xusay in sanadka 2016 la rajeynayo in Soomaaliya ay sare uga sii muuqato maqaamka hadda ay joogto , isagoo sheegay in loo howlgeli doono sanadkaasi dib u dhiska iyo horumarinta dalka .
Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inuu rumeysan yahay , ayna u muuqato yididiilo iyo ifafaalo wanaagsan oo u bidhaamaya Soomaaliya , isagoo ugu baaqay dhammaan Soomaalida inay gacmaha is qabsadaan , si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka ummadda .
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa tilmaamay in Xarunta Qaramada Midoobey ee New York uu kaga qeybgalay shirar gaar gaar ah oo kala duwan oo mid ka mid ah looga hadlay abaaraha iyo xaaladaha bani’aadanimo ee weli ka taagan qeybo ka mid ah dalka , balanqaadyo ay sameeyeen dowlado iyo hey’ado iyo kulamo kala gaar gaar ah oo uu la yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Italy , Netherlands , Burundi iyo kuwa kale .




