Xarumaha Shidaalka Maamulka Islaamiga Ah Ee ISIS Oo La Duqeeyey

0
176

shidaalka_ISISDiyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ee duqeynta ka wada dalka Siiriya ayaa sheegay in weeraradii ugu danbeeyey ay la beegsadeen xarumaha shidaalka ee ku jira gacanta kooxda Daacish ama maamulka Islaamiga ah (IS).

Duqeynta Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga, Imaaraatiga iyo Jordan.

Xarumaha xalay la duqeeyey ayaa ku yaalay nawaaxiga deegaanada al-Mayadeen, al-Hasakah, iyo Albu Kamal.

Kooxda Daacish ama IS ayaa la rumeysan yahay inay dhaqaale badan ka helaan ka ganacsiga shidaalka ay ka heleen xarumaha bartoolka laga soo saaro ee ku yaal waqooyiga Siiriya.

Duqeynta Siiriya ayaan lala beegsan kooxda IS kaliya balse waxay diyaaradaha Maraykanka sidoo kale duqeeyeen xarumaha ciidamada Jabhatul Nusra oo kamid ah shabakada Al qacida.