Dowladda Kenya Oo Xirtay Macalimiinta Xarun Lagu Barto Diinta Islamka

0
480

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dalka Kenya ayaa albaabada iskugu dhuftay xarun lagu barto diinta Islamka oo la yiraahdo Machakos oo qiyastii 60 km koofur bari kaga beegan magaalada Nairobi.

Hay’adaha amaanka dalka Kenya waxaa ay sheegeen in macalimiinta xaruntaan oo xariir la leh Xarakadda Al-Shabab ay caruurta baraan wax ay ugu yeereen xag jirnimada isla markaana ay tababaraan dhalinyarada ka mid noqda Al-Shabab ee Kenya ka taga.

Howlgal dhawaan ciidamada dawlada ka sameeyeen xaruntaan waxay ka xireen 30 ruux oo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-Shabab oo ay maleegeyeen weeraro dalka Kenya ka geystaan.

Madaxa hay’adda dambi baarista CID,da dalka Kenya Ndegwa Muhoro ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP inay hadda kadib si gaar ah u bartilmaameedsan doonaan wadaada diinta Islamka ee uu sheegay inay caruurta baraan xag jirnimada.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay inay jiraan xarumo kale oo dalka Kenya ku yaala oo ay baaris ku hayaan.

Dhalinyaro aan tiro yareyn oo u dhashay dalka Kenya ayaa la aaminsan yahay inay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-Shabab u dagaalama kuwaasoo badankood la sheego in gudaha Kenya laga soo abaabulo.