Wariye Max’ed Bashiir Xaashi Oo Maanta Loo Taxaabay Xabsiga Godka Jilacow

0
355

WARIYE MAX'ED BASHIRAskar Ka Tirsan Kuwa Hay’adda Nabad Sugidda ee Dawlada soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in Maanta ay Xireen Madaxii Wararka Shabelle Maxamed Bashiir Xaashi xilli uu joogay Agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdsiho, lamana garanayo sababta loo xiray.

Ciidamadan ayaa la sheegay In Maxamed Bashiir Xaashi ay ku xireen Xabsiga Nabad Sugidda ee Godka Jilacow oo muddo 3 todobaad ah ay hore ugu xirnaayeen 3 ka mid ah suxufiyiinta Shabelle inkastoo Maalintii Khamiista 04 Sept. 2014 loo wareejiyey Xabsiga Dhexe.

Xariga Maxamed Bashiir Xaashi ayaa noqonaya mid Ciidmadda Nabad Sugidda ay wali ku ugaarsanayaan Shaqaalaha Shabelle iyo Sky FM iyadoo ku dhawaad Afar Todobaad ay Hawada ka maqan yihiin Isdaacadaha Shabelle iyo Sky FM welina ay Xiran yihiin Gudoomiyaha Shabakada Warbaahinta Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, Agaasimaha Sky FM Maxamuud Maxamed Daahir (Carab) iyo Ku xigeenkii Madaxa Wararka Shabelle Axmed Cabdi Xasan.

15 kii August 2014 ayey ahayd markii Ciidamada Nabad sugidda ay weerareen Xarunta Idaacadaha Shabelle iyo Sky FM ee Magaalada Muqdisho iyagoo xiray 19 ka mid Ah shaqaalaha inkastoo 16 ka mid ah la sii daayey 17 August 2014.

Maxamed Bashiir Xaashi ayaa looga cabsi qabaa in loo gaysto Jirdil, iyadoo haatan ka hor Xabsiga Godka Jilacow lagu jirdilay Shaqaalaha Shabelle iyo Sky FM intii ay halkaasi ku xirnaayeen.