“Sheekh Maxamed Faarax (Al Ansaari)” Duqeynta Shabeellaha Hoose Waxa Ay U Dhacday Sidii Loogu Tala Galay.

0
574

Al-ansaari
Sheekh Maxamed Faarax (Al Ansaari) oo horey kaga tirsanaa Ururka Al Shabaab, balse markii isu soo dhiibay Dowladda Somaliya, ayaa sheegay in duqeyntii xalay ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose, ay u dhacday sidii loogu talla galay.

Duqeyn dhinaca cirka ah, ayaa lala beegsaday goob ay kulan ku lahaayeen Madaxda Ururka Al Shabaab, oo sida la sheegay ka wada hadlaayay hawlgalada ka dhanka ah Ururkaasi ee dalka ka bilowday.

Diyaarad Drone ah, ayaa gantaalo la beegsatay inta u dhaxeyso Dhaay Tubaako iyo Hawaay, oo ah halka uu ku dhamaado Webiga Shabelle, waxaana jugta gantaalaha laga maqlaayay meelo fog fog.

Sheekh Maxamed Faarax, ayaa ku waramaaya in duqeymahaan lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Shabaabka, wuxuuna ka gaabsaday in uu ku hadaaqo magacyada xubnaha lala eegtay gantaalaha.

Warbaahinta Mareykanka qaarkood, ayaa waxay baahinayaan in weerarkii xalay lagu dilay Amiirka Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), balse isu magacaabay Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).

Al Ansaari oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu tilmaamay in ay ku hawlan yihiin, sidii ay wax badan kaga ogaan lahaayeen khasaaraha guud ee ka dhashay duqeymaha, isla-markaana ay dib ka soo faah faahin doonaan.

Xoogaga Shabaab, ayaa saacadihii ugu dambeeyay hawlgal dad lagu qab qabtay ka sameeyay Degmada Sablaale iyo deegaanka Dhaay Tubaako, waxaana dadkaan lala xiriirinayaa duqeymihii lala beegsaday Saraakiisha Shabaab.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sidoo kale sheegaaya inay jiraan dad rayid ah oo ay dileen Xoogaga Shabaab, iyagoo markaasi ku eedeynaaya ku lug lahaanshaha gantaalaha.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar madax banaan oo sheegaaya in dadka la xir xiray, ay ku jiraan Saraakiil iyo dagaal-yahano taabacsan Shabaabka, isla-markaana ay baaritaano ku soconayaan.

Ilaa iyo hadda waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab, oo ay kaga hadlayaan duqeymaha la sheegay in lala eegtay madaxdooda.