“Nabadoon Xaad“ Waxaa La’igu Hanjabay In La’idilayo, Marka Ma Jirto Xornimo, Madax Banaani, Sidaa Awgeed Waan Iska Gaabsanay.

0
349

Nabadoon-Xaad
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Oo Ah Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada beeelaha Hawiye ayaa sheegay in Dawlada Soomaaliya ay ugu hanjabtay in la dilayo haddii uu ka hadlo Arimaha ka socda Magaalada Muqdisho, isaguna uu tilmaamay inuu qaatay amarkaasi oo uu iska aamusayo.

Sidoo Kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in uu ku qancay Hanjabaada loo jeediyey, balse waxa uu farta ku fiiqay in Dadkii afka laga wada qabtay oo aanay ka hadli karin Arimaha Dawladda, Dalkiina lagu tilmaami karo Dal aan xor ahayn Oo Ay Heystaan Dalal Shisheeye Wuxuuna Maxamed Xasan xaad ayaa sheegay in ay la soo hadleen Madaxweynaha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil kale iyagoo ku wargeliyey inuu ka aamuso hawlaha ka socda Magaalada Muqdisho.

“Nabadoon Xaad“ Ma jirto Xornimo, Madax Banaani, Xoriyatul qawl sidaa awgeed waan iska gaabsanay, laakiin waxaasi wax lagu qanci karo inaysan ahayn qof walba waa u jeedaa“.

Ugu Dambeytii Ayaa Waxa Uu Sheegay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad in hadda ay xiran yihiin Idaacado Xabsina ay ku jiraan Suxufiyiin ka tirsan shabelle iyo Sky FM, qalabkoodiina la qaatay, isagoo intaa raaciyey in markii ay arkeen waxa dhacay ay go`aansdeen inaysan ka hadlin, haddii aysan waxba is bedelin waxaana jirta ayuu yiri Nabadoon Xaad in Xabsiyada ay ku jiraan dad doonayey inay ka hadlaan arimaha socda oo aan wax kale samayn Dooneynin.