Masuuliyiin Iyo Siyaasiyiin Madax Banaan Oo Dhawaan Sheegay In Si Wada Jir Ah Ay Faah-Faahindoonaan Xarag Iyo Jir-Dillo Loogu Geestay Muqdisho

0
215

xisbiyadaIyadoo Maanta Yuusuf Kabaale Oo Ah Masuul Ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir Laga Sii Daayey Xabsiga Godka Jilacow Oo Uu Si Sharci Daro Ah Ugu Xernaa Ayaa Siyaasiyiin Iyo Axzaab Ka Jira Dalka Waxa Ay Sheegeen In Dhawaan Ay Kulan Yeelan Doonaan Kaasoo Ay Kaga Warbixindoonaan Xarag,Boob,Iyo Jirdillo Ay U Geesteen Ciidamada Dowlada.

Sidoo Kale Siyaasiyiintaani Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Ay Dowlada Ka Weecatay Wadaddii Loogu Tala Galay Islamarkaana Ay Ku Mashquushey In Ay Caburiyaan Siyaasiyiin Iyo Xisbiyo Ka Jira Dalka Kuwaa Oo Ay Kula Keceen Falal Aan Mansabkooda Aheyn Waxaana Dhawaan Weerar Lagu Qaadey Mid Ka Mid Ah Xisbiyada Dalka Oo Ay Ciidamada Ku Boobeen Qalabkoodii Xafiiseed Jirdilna Ay U Geesteen Qaar Ka Mid Ah Madaxda Xisbiyadaasi Xabsina Loo Taxaabay.

Kulanka Ay Sheegeen Siyaasiyiintani Oo Qaar Ka Tirsan Ay Ahaayeen Saraakiil Ka Howlgali Jirtey Gobolka Banaadir In Ay Kaga War-Bixindoonaan Falalkaani Lagula Kacay Ayaa Waxa Ay Ciidamada Dowlada Ku Eedeyeen Howlgalada Ay Ka Wadaan Magaalada Muqdisho In Fashil Iyo Natiijo Xumo Ay Kala Kulmeen Islamarkana Ay Iska Dhaga Tirayaan Cadaadiska Iyo Juujuubka Ay Ciidanka Dowlada Ku Hayaan Shacabka Soomaaliyeed Waxayna Madaxda caalmka Ka Codsadeen In Ay Arintaani Soo Fara Galiyaan Inta Aysan Dalka Ka Bilowan Kacdoon Shacab Ka Dhan Ah Xukuumada Soomaaliya.