Koox Ku Hubeeysan Biskooladdo Oo Wadaad Caan Ku Dilay Magaalada Baledweyne.

0
547

bastoolad-dilMagaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Wararka Ka Imaanaya ayaa sheegaya in Kooxo Bastoolado ku Hubeeysan ay Bartamaha Magaalada ku Toogteen Wadaad Caan ka ah Magaalada Baledweyne.

Alle ha u naxariistee Wadaadka lagu dilay Magaalada Baledweyne ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Macalin Wardi Saalxeey,waxaana uu ka mid ahaa Wadaadada Faafiya Diinta.

Kooxihii dilka geeystay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fikadeen Goobta ay ku dileen Macalin Wardi Saalxeey,iyadoona sidii Caadiga aheydba Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay goobta yimaadeen kuwaas oo baaritaano sameeyay,inkastoo aysan dad u soo qaban Dilka.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Degmada wali kama hadlin Dilka Xalay ka dhacay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.