Haweenay 33-Sana Jir Ah Oo Xukun Rajmi Ah (Dhagax Ku Dilid) Lagula Fuliyay Degmada Baraawe.

0
522

shabbaFagaare weyn oo ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa maanta ka dhacay xukun Rajmi ah oo lagu fuliyay haweeney afar nin wada guursatay Sida Ay Shrrgrrn Saraakiisha Al-shabaab.

Haweeneydan oo 33 jir ah laguna magacaabo Safiyo Axmad Jimcaale ayaa caruur u dhashay ninkeedii ugu horeeyay oo ay ehelku ku ogaayeen, balse sadax kale oo ay dib ka guursatay iyadoo kii hore qabo ayey maxkamaddu sheegtay iney xukun dil ah ku muteysatay.

Sida Ay Sheegeen Al-shabaab In Haweeneyda Ay maxkamadda horteeda ka qiratay arrintan ayaa sheegtay in mid kamid ah afarta nin ay dhawaan kala tageen ayna xaas u tahay sadax nin.

Sidoo kale ragga ay wada kulmisay haweeneyda ayaa iyaguna ka marqaati kacay jiritaanka arrintan waxanya maxkamaddu ku dhawaaqday in lagu fuliyo xukun rajmi ah. (dhagax ku dilid).

Qaar kamid ah culimada ayaa inta aanan xukunka la fulin sheegay in gabadhu ay dalbatay in loo duceeyo oo Allaah loo weydiiyo dambi dhaaf, maadaama uu gef ka dhacay, waxaana xusid mudan in markii xukunka la fuliyay kadib ay dad badan ka qeyb galeen janaasadeeda oo ka dhacday goob caafimaad.