Dagaalyahano Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ka Geysatay Magaalada Gaarisa.

0
553

garisaWararka ka imaanaya dhulka soomaalida Kenya gumeysato ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala eegtay goob isku imaatin ah.

Xalay fiidkii ayaa bambaamo lagu weeraray bartamaha magaalada Gaarisa waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaara ubadan dhaawacyo.

Taliyaha ciidanka dambi baarista Kenya ugu magacaaban gobolka Waqooyi Bari Muusa Yego ayaa xaqiijiyay in 7 qof dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in goobta laweeraray ay ku shaahayeen saraakiil ciidanka booliska katirsan waxaana laga yaabaa in dadka dhaawacmay dhintaan sababa laxariira xaaladooda caafimaad oo liidata.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weeraro ka dhacaan magaalada Gaarisa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidanka Kenya duullaanka kusoo qaadeen soomaaliya ayuu ammaanka wadankaasi faraha kasii baxayay.