Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa markale ku celiyay in uusan miiska wadahadalka lafariisan doonin Axmed Madoobe oo ciidanka Kenya ugacan geliyay magaalada Kismaayo Wuxuuna Barre Hiiraale warbaahinta u sheegay in haba yaraatee wax xariir ah aysan kala dhaxayn Axmed Madoobe.
“Anigu lama hadlayo Axmed Madoobe sababtoo ah labadeenuba waxaan sheeganay madaxweynayaal dagaalna waa na dhaxmaray sidaasi daraadeed majirto meel aan ku heshiinay”ayuu yiri Hiiraale.
Siyaasigan kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa ku goodiyay in uu dib ubilaabi doono loolankii hubeysnaa haddii aan laga dhabayn wax uu ugu yeeray dadaaladii nabadda.




