
Waxaa markii ugu horeysay Somaliland laga sameeyay urur daryeela xayawaanka ay dadku manaafacaadsadaa Waxaana sameeyay ururkaasi oo ah mid samafal koox aqoonyahanno oo is xilqaamay Iyagona Ay Sheegeen In Ay Dhibaatooyin Haatan Heysato Xaywaanaadka Ay Ka Raaxeesandoonaan.
Cali Xasan Xirsi Oo Ah Gudoomiyaha ururkaasi ayaa sheegay in sameynta ururka ay ku kalliftay markii ay arkeen tacaddiga baahsan ee lagula kaco xayawaanka dadka la dhaqma Wuxuuna sheegay inay doonayaan inay daryeelaan intii karaankooda ah dameeraha, bisadaha, eyda, iyo ugaadha duurjoogta ah ee inta miyigii laga keenay lagu xabisay huteellada iyo guryaha waaweyn Ee Somaliland.
Ururkan ayaa waxay shaqadoodii ugu horeysay ka bilaabeen iyagoo seminaar u qabtay in ka badan labaatan ruux oo ah dadka ku xoogsada gaari-dameerka Waxa Lo Yaqaano oo ay barayeen xanaaneynta dameeraha ay ku xoogsadaan ee biyaha ay ku dhaamiyaan amaba alaabta ay ku xammaalaan.
Sidoo Kale Cali Xasan Xirsi wuxuu sheegay inay bareen dadkaasi dameeraha ku shaqeysta sida loo daweeyo, sida loogu dhigo cawska iyo cuntada, rarka inta uu qaadi karo dameerku iyo inta kilo ee uu yahay miisaankiisu.
Dadka ku xoogsada dameeraha qaarkood ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ururkan daryeelka xayawaanka taasoo ay qireen inay tahay markii ugu horeysay ee ay arkaan urur wax u qabanaya
Iyagoona sheegey siday dameerku uga waxtar badanyahay geela iyo xoolaha kale iyo xifaaltanka bulshada dhex marta markay wadaan dameerka.




