
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas kaasi oo ku saabsanaa in maamulka Puntland ay ka hor yimaadeen qorshaha Maamulka loogu dhisaayo Gobalada Mudug iyo Galgaduud.
Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay inaaney umuuqan dhibaato weyn oo ka imaan karta Maamul usameynta Gobalada Mudug iyo Galgaduud, balse ay jiri karto in aragtida ay dadka ku kala duwanaan karaan.
Wadahadal ayuu sheegay in lagu xalinayo wax waliba oo tabasho ah oo ka timaada dhanka Maamulka Puntland, isaga oo sheegay in ujeedada ugu weyn ee maamul usameynta Gobalada ay tahay in la dhaqangeliyo nidaamka Federaalka, balse aysan aheyn in la dumiyo maamulo dhisan iyo goobo xasilooni ka jirto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii ay wax ka qaldan yihiin dhanka farsamada, wax waliba la saxayo oo Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay saxdo.
Maamulada laga dhisaayo Gobalada dalka Soomaaliya ayuu ku tilmaamay Madaxweynaha kuwa KMG oo inta Dastuurka laga dhameystirayo, isaga oo adkeeyay in ujeedada loo dhisayo maamulada aysan aheyn in dad lagu dhibaateeyo.
Markii Dowladda Soomaaliya ay saxiixday heshiiska ku aadan dhismaha Maamulka Gobalada Mudug iyo Galgaduud, ayaa arintaasi waxaa si adag uga hor yimid Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inay xiriirka ujareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ku amreen Xildhibaanada Dowladda uga jira inay kasoo baxaan.
Puntland ayaa maamulka Mudug iyo Galgaduud loo sameynayo waxa uu ka saameynayaa dhanka Mudug oo waxa ay ka taliyaan qeybo kamid ah Gobalka Mudug, gaar ahaan Degmooyinka Goldogob iyo Jariiban iyo waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.




