
Cali Max’ed Geedi Oo Ahaa Raiisal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar ay baahiyeen saraakiisha Militariga Somaliland oo ku saabsanaa in maanta lagu qabtay dagaalkii ka dhacaday Saax-dheer Isagoona Hawada U Mariyey Maamulka Somaliland Digniin Culus.
Ra’iisul Wazaarihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Cali Max’ed Geedi Ayaa Waxa uu Carabka Ku Dhutay In Uusan Ku Sugneyn Meesha Ay Sheegeen Saraakiisha U Hadashay Soomaaliland In Ay Ku Qabteen Isagoo Xusay In Haatanba Uu Ku Suganyahay Dalka Isu Taga Imaaraadka carabta.
Sidoo Kale Mr Geedi Ayaa Dowlada Somaliland Ku Eedyey In Ay Haatanba Hurineyso Dagaalo Sukeeye Islamarkaana Ay Ka Soo Horjeedo Jiritaanka Umada Soomaaliya Wuxuuna U Sheegay Madaxdooda In Ay Ka Waantoobaan Arimaha Been Abuurka Ah Oo Ay Ka Fidinayaa Masuuliyiinta Uu Isaga Ka Mid Yahay.




