Ahlu Sunnada Goboladda Dhexe Oo Ka Hortimid Heshiiska Maamulka Gobolada Dhexe

0
545

Sunna
Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxa uu ka horyimid heshiiskii shalay lagu kala saxiixday Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, kaa oo la sheegay in Maamul Goboleed loogu soo dhisaayo Gobolada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Sheekh C/risaaq Cali Mire (Ashcari), Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu sheegay inaanu waxba ka qusayn heshiiska Madaxtooyada.

Sidoo Kale Sheekh C/risaaq Cali Mire, ayaa sheegay in Masuuliyiinta Ahlu Sunna ay xalay kulan deg deg ah ka yeesheen heshiiska Madaxtooyada, isla-markaana ay u soo baxday in uu yahay mid aan la aqbali karin.

Gudoomiyaha waxa uu iftiimiyay inaanay Ahlu Sunna marnaba ku qanacsanayn heshiiskaan, oo uu ku macneeyay wax soo booddo ah, oo aan ku imaan rabitaanka bulshada Deegaanka.

Waxa uu tilmaamay inaysan Ahlu Sunna diidanayn Maamul loo dhiso bulshada Deegaanka, balse aanu Maamulku noqon wax loo keenay uun dadka Deegaanka, oo aan ku imaan rabitaankooda.

Sidoo kale waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqay in Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe lagu saleeyo mid ku qotoma rabitaanka dadka Deegaanka, wuxuuna ka digay in bulshada lagu dirqiyo wax aynaan iyagu soo sameysan.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa waxa uu shalay ka horyimid heshiiska lagu kala saxiixday Villa Somalia, xilli uu ku sugnaa. Laakiin markii dambe lagu dirqiyay.

Maamulka Ximin & Xeeb, ayaa isla shalay ka horyimid heshiiska lagu wada gaaray Qasriga Villa Somalia, iyadoo Dowladda Itoobiya lagu eedeeyay inay dhabarka ka riixeyso Dhismaha Maamulka Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa waxa uu ku goodiyay cid kasta oo ka hortimaada heshiiskaan, in xoog lagu ogoleysiin doono, sida uu yiri.