Uganda oo Ciidamo dheeri ah u soo dirtay Somalia

0
533

Dowlada Uganda ayaa u soo dirtay dalka Soomaaliya Ciidamo gaaraya 1,444 askari oo ka mid noqon doona Ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya jooga.

Ciidamadan Uganda ayaa waxaa ay badali doona Ciidamo kale oo horay Uganda uga joogay dalka Soomaaliya sida ku xigeenka Afhayeenka Ciidamada Uganda Henry Obbo uu u sheegay wakaalada Wararka ee Anadolu Agency.

“ Ciidamadan cusub waxa ay ka qayb qaadan donaan dagaalka lagula jiro Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, waxayna wax badan ka badali donaan awooda Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ” ayuu yiri Henry Obbo.

Deo Akiiki, oo ah afhayenka Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaa warbaahinta dhankiisa isna u sheegay in isku badalka Ciidamadan Uganda la samayn doono maanta oo taalado ah.

Dowlada Uganda ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga 6223 oo askari oo ku howlgala Magaca AMISOM tiradaasi oo Uganda ka dhigaysan wadanka Ciidamada ugu badan ay ka jogaan Soomaaliya marka loo eego dowladaha kale ee howlgalka AMISOM ay iskula jiraan.

Dalka Soomaaliya oo xilgan uu ka socda dagaalo lagu la jiro Xarakada Shabaab ayaa waxaa ka mid ah wadamada Ciidamada ay ka jogaan Soomaaliya Burindi, Uganda , Djabouti, Serelion, Kenya iyo waliba Ethiopia oo dhamaan ku howlgala jaangoynta ama Mandateka Qaramada Midoobay watana Magaca Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM.download5-150x150