MASUULIYIIN KA TIRSAN WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA OO GAARAY BUULA BARDE

0
516

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Fedaraalka Cali Abtidoon Xalane ayaa maanta gaaray degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan halkaasi oo ay si wada jir ah u tegeen maamulka cusub ee degmadaasi loo magacaabay iyo mas’uuliyinta Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ah oo uu Wehliyo Guddoomiyaha cusub ee degmada Buulo Burde Axmed Cabdi Wehliye ayaa waxa ay ku soo wareegeen qeybaha kala duwan ee degmada, iyagoo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM, gaar ahaan ciidamada Jabuutiee ku sugan halkaasi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii ay wada shaqeyn buuxo u dhex mari lahayd guddoonka cusub ee degmada loo magacaabay iyo saraakiisha ciidamada halkaasi ku sugan, iyadoo la isku afgartay in si wada jir ah looga wada shaqeyn doono amniga degmada.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Buulo Burde Axmed Cabdi Wehliye oo goobta hadal ka jeediyay ayaa balan qaaday in uu dib u soo celin doono adeegyada guud ee bulshada, islamarkaana uu ka codsadanayo inay gacan ku siiyaan howlaha loo igmaday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ah Mudane Cali Abtidoon Xalane ayaa ku booriyay mas’uulka cusub in uu la yimaado isbadal dhab ah oo bulshada degmada u horseedi karta inay ku wada noolaadaan nabadgelyo.

Degmada Buulo Burde oo ay ciidamaada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM la wareegeen horaantii sanadkaan 2014 ayaa waxa ay halkaasi ahayd muddo saddex bilood mid aan lahayn maamul wax ka qabta adeegyada guud ee bulshada, islamarkaana maamulkan cusub looga fadhiyo in uu wax ka qabto baahiyaha ay bulshada tabayaan.
20774