Mareykanka oo ka taageereysa Kenya la Dagaalanka Argigixisada

0
457

Safiirka Maraykanka u fadhiya Safaaradiisa Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya Robert Godec ayaa sheegay in dowlada Maraykanku ay tageerayso dowlada Kenya iyo dagaalka lagula jiro waxa uu ugu yeeray Argagaaxisadda.

Godec ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Maraykanku uu qorshaynayo in uu albaabada u laabao Safaaradiisa dalka Kenya.

Ambassador Robert Godec ayaa xusay in Saraafada Maraykanka uu ku leeyahay dalka Kenya ay haatan ka shaqeyaan in ka badan 1000, qof loona baahanyahy in la dhimo si amaankooda loo hubiyo.

“Maraykanka waxaa ka go’an in la xaqiiyo amaanka Shaqaalaha Safaaradeena waxaana u yaraynaynaa Shaqaalaheeda dalka Kenya sababa amaan owgeed kadib markii ay soo bateen Weerararada Argagaxiso ee Kenya ka dhacaya “ sidaasi waxaa yiri Mr. Robert .

Hadalka dowlada Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan dowlada Maraykanku ay uga digtay muwadiniinteeda in ay u safraan dalka Kenya gaar ahaan Mombasa, Kwale, Kilifi, Lamu, iyo qeyb ahaan xeebaha gobolka Tana River.

Dalka Kenya ayaa dhawan waxaa ka dhacay Weeraro ay ku dhinteen in ka badan 60 qof oo Masuulityadoodana ay sheegatay Dhaq dhaqaaqa Shabaab ee Soomaaliya.download12-150x150