Madaxweyne Xasan Sh. “Waan Cafineynaa Godane hadii uu Dowladda isku Dhiibo”

0
241

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud oo Xalay ka qeyb galay Kulan Dood ah oo Telefishinka Universal uu ku Qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimo badan.

Teaser Image Madaxweyne Xasan Sh. “Waan Cafineynaa Godane hadii uu Dowladda isku Dhiibo”
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaa wax laga weydiiyey sida Dowladdiisa ay ka yeeleyso, hadii uu isku soo dhiibo Hogaamiyaha Maleeshiyada Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in Xitaa Godane Cafis loo fidinayo, waa hadii uu ka haro Fikirka Al-shabaab iyo Al-qaa’ida.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale Su’aalihii Bulshada ay weydiisay waxaa ka mid ahaa in Dowladda uu Hogaamiyo ay Fashilantay oo wax ay qabatay aysanjirin, waxaana uu ku Jawaabay in Dowladda uu Madaxda ka yahay aysan Fashilmin oo ay tahay mid sidii logu talo galay ku shaqeysa.

Kulanka Su’aalaha lagu weydiinayey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Goobjoog ahaa,R aisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, inkastoo aysan Qeyb ka aheyn Su’aalo weydiinta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday in ay la Shaqeeyaan si looga Guuleysta Dagaalka ay wadaan kuwa Nabad diidkaa ee Al-shabaabpresident-hassan-mohamud_large-620x330