Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay heshiiska Maamul Goboleedka Cusub oo laga dhisayo Koonfur Galbeedka Soomaaliya.
Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa yiri “Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska lagu dhisayo maamul cusub oo ah Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed iyadoo la raacayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya”
“Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan dhinacyada heshiiskaan wada galay sida ay uga go’antahay in ay helaan xal iyadoo loo marayo wadahadal nabad ah iyo wadaxaajood dulqaad leh”
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in ay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka ayna xaqiijiyaan in si deg deg ah loo dhiso maamul loo wada dhanyahay (…) Dowladda Federaalka waa inay sidoo kale sii waddo wadatashiga ay la leedahay Odayaasha Bulshada iyo dadka degaanka ee ay arrintu khuseyso si loo xaqiijiyo in arrimaha weli harsan wax laga qabto loona qabto si loo wada dhanyahay oo dibuheshiisiin ah”
“Heshiiska Maanta waa tallaabo muhim ah ee hore u qaaday horumarka Soomaaliya ay ku gaarayso Nidaamka Federaalka”
“Qaramada Midoobay, oo goob joog ka ahayd Heshiiska, waxaa ka go’an inay taageerto dadaallada nabadaynta iyo maamul dhisidda ay waddo Dowladda Federaalka,” Ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya Nicholas Kay.
Sida warkaan ku cad, Wadanka Soomaaliya waxaa ka taliya oo ay taladu ka Go’daa Qaramada Midoobay oo u soo Wakiilatay Nicholas Kay Burburka iyo Jaha wareerka haysta Maantay Dadka Soomaaliyeed.




