Dowlada iyo Q/Middobay “wey ku fashilantay Taageerada Guracan ee 3da Gobol”

0
491

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dalka ayaa waxa ay siyaabo kala duwan uga soo horjeesteen go’aankii Dawladda iyo Q/Middobay ay ku aqoonsadeen Maamulka Seddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in go’aanka Madaxda dalku ku aqoonsadeen Maamul Goboleedka Koofur Galbeed uusan waafaqsaneen Xeer hoosaadka dalka.

Dhinaca kale Xildhibaan C/qaadir Max’ed Sandheere oo la hadlay Idaacadda Shabelle Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aanka Madaxda dalku qaateen uu yahay mid ay ku dag dageen oo aan laga fiirsan waxa ka dhalan kara.

Sidoo kale Xildhibaan Cali Ganeey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo isna aragtiisada ka bixiyay aqoonsiga dowladdu siisay Maamulka Seddexda Gobol ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankaasi.

Dad farabadan oo Soomaali ah ayaa la yaaban Q/Middobay iyo Wakiiladeeda Faragalinta qaawan ee Guran/Gumeysi ee ay ku hayso Soomaaliya.Xildhibaano2-564x350-620x330